Thursday, January 19th, 2017
.

DEG DEG : Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka oo Muqdisho ka bilaabatay

,
Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa goordhow ka bilowday xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana daahfuray Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ah xildhibaanada ugu da`da weyn baarlamaanka.

 

Xildhibaan boqorre ayaa akhriyay ajendaha doorashada ee maanta oo ku bilaabaneyso dhaarinta xildhibaanada, waxaana uu digniin u jeediyay xildhibaanada oo uu uga digay dhaqanka musuqmaasuqa, waxaana uu sheegay in marka ay doorashadu bilaabato aan la arki karin xildhibaan booskiisa ka kacaya oo mid kale u tagaya ama gadaashiisa ay dad dhooban yihiin.

Waxa uu ka codsaday xildhibaanada in qaranka danahiisa la fiiriyo oo laga waantoobo waxa uu ku sheegay dhaqamo uu horay usoo arkay oo dalka la haray.

Kala soco wararka doorashada iyo sawirradaba ALLBANAADIR NEWS

Readers Comments (0)