Thursday, January 19th, 2017
.

Lasoco Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo Maanta Ka Dhaceysa Muqdisho iyo Shaqsiyaadka ugu Cad Cad Akhriso

,
Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.
Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), C/fitaax Ibraahim Geeseey, Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo C/rashiid Maxamed Xidig.
Shaqsiyaadka Ugu Cad cad xilka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala ah C/rashiid Xidig iyo Prof Jawaari labadaas mas’uul ayuuna dhexmari doonaa Tartanka Ugu adag.
Sidoo kale maalinta berri ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 12-ka Bishan ayaa la filayaa in la soo doorto ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Readers Comments (0)