Home Wararka DEG DEG – Dhaawacyo Dad Ajnabi ah oo isbitaalka Magaalada Galkacyo la...

DEG DEG – Dhaawacyo Dad Ajnabi ah oo isbitaalka Magaalada Galkacyo la Gaarsiiyay

2
SHARE

Wararka naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in Isbitaalka Magaaladaasi la gaarsiiyaya Dhaawacyada Dad ajaaniib ah ku waas oo ay soo qabteen Ciidamada Maamulka Galmudug.

Dhaawacyada ayaa ciidamada waxaa ay ka soo qabteen Deegaanka Lagu magacaabo Labbad oo qayaastii 30 Km ujira Magaalada Hobyo.

Ajaanibtan ayaa saarnaa Doomo si sharci darro ah uga kallumeysanayay Xeebaha Maamulka Galmudug kuwaas oo iyagoo wada Howsha sharci darrada ah ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Badda Ee Galmudug.

howlgal-boolis-620x330

Doomaha waxaa saarnaa Shaqaale u dhashay Dalka Yaman kuwaas oo Markii ay arkeen Ciidamada Galmudug isku deyay in ay iska caabiyaan halkaasna ay ku dhaawacmeen Labad nin ee ajanabiga ee u dhashay wadanka Yaman,

Dhaawacyada lakeenay isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa ah kuwo garaab ah oo ku jira xaalad halis ah waxaana la tacaalaya saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

SHARE