Thursday, January 19th, 2017
.

DEG DEG -Al-Shabaab oo Gowracday Askari Ka Tirsan Dowlada Somaliya

,
Published on January 10, 2017 by   ·   No Comments

Kooxda Al-Shabaab ayaa duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa ay ku gowraceen Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada Somalia Kaddib Dagaal ka dhacay Gobolkaasi.
Dagaalka ayaa waxaa uu sigaar ah u dhaxmaray Ciidamada K/galbeed,Kuwa Dowlada Soomaaliya oo isku dhan ah & Al-Shabaab, waxaana dagaalka uu bilawday ka gadaal markii Dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan Ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyo Ciidamada isgarabsanaya ay wateen.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dudumaaye oo u dhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool,Warbaahinta Al Shabaab ayaana lagu faafiya in 3 Askari oo mid kamid ah uu yahay sargaal ay ku gowraceen dagaalkaasi.
Weli majiro Wax war ah oo ka soobaxay Ciidamada Dowlada iyo Kuwa K/galbeed oo ay uga hadlayaan Sheegashada Shabaab ee ku aadan in ay gowraceen ciidamo ka tirsan dowlada somaliya & Kuwa K/galbeed.

Readers Comments (0)