Home Wararka DHAGEYSO – Gaas oo Faah faain Ka bixiyay Arin Naxdin leh uu...

DHAGEYSO – Gaas oo Faah faain Ka bixiyay Arin Naxdin leh uu Kusoo Arkay Qandala

1
SHARE

Cabdiwali Gaas M/weynaha Maaamulka Puntland oo Booqasho ku tagay Magaalada Qandala ayaa faah faahin ka baxshay wixii uu ku soo arkay Magaaladasi isagoo safar dhanka badda ah ku gaaray shalay.
M/weyne Gaas ayaa sheegay in Qandala ay noqotay Meel ay ku dagaalameen Kooxda Daacish iyo Ciidamada Difaaca Puntland hase ahaatee Hada si buuxda gacanta ugu jirta Maamulkiisa waxaase uu murugo ka muujiyay sida ay daacish ula dhaqantay dadkii joogay intii Magaalada ay gacanta ku hayeen.

Isagoo hoosta ka xariiqay inay bur buriyeen Goobihii caafimaadka xarumihii wax barashada iyo Ceel Biyoodyadii oo Matorada ay ka qarxiyeen iyo qaar kamid ah ceelaasha oo ay aaseen,isagoo intaa ku daray in hada magaalada ay tahay mid amaankeeda la xaqiijiyay.
Waxaa uu amar ku bixiyay in wasaaradaha caafimaadka,waxbarashada, amniga iyo qeybihii kale ee bulshada ay magaalada yimaadaan si magaalada ay u noqoto magaalo lagu soo noqonkaro oo adeegyadeeda dib loogu soo celiyo.

SHARE