Home Arimaha Bulshada WAR CUSUB -Suuqa Kala iibsiga Xildhibaanada Cusub oo Sare u Kacay Akhriso

WAR CUSUB -Suuqa Kala iibsiga Xildhibaanada Cusub oo Sare u Kacay Akhriso

1
SHARE

Waxaa sare u kacay suuqa kala iibsiga xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ee Labada aqal, iyadoo hadda xildhibaannada qarashka ay doonayaan uu cirka isku shareeray.

Halkii mudane codkiisa waxa uu hadda marayaa lacag dhan 40 kun illaa 50 kun oo doolarka Maraykanka ah, waxaana jira xildhibaanno horey loo iibsaday.

Xasan Sheekh wuxuu horey u iibsaday xidhibaanno dhowe ah markii ay tartanka soo galayeen, waxayna qaarkood sii hormarsadeen lacag ku dhow Hal Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Waxaa laga yaabaa in qiimaha lacagta ee xildhibaannada Federaalka ay sare u kacdo, waayo rag lacag haysta ayaa qeyb ka ah doorashada madaxweyne ee dalka.

SHARE