Thursday, January 19th, 2017
.

DEG DEG – Nin is Qarxin Rabay oo Goordhaw Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

,
Published on January 8, 2017 by   ·   No Comments

Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku qabteen Mooto Nuuca Dhug dhugleyda oo la seegay in ay waday waxyaabaha qarxa.

Saraakiil katirsan Ciidanka Nabad Sugida Qaranka ayaa Wakaalada Wararka Soomaaliya u sheegay in Mootada la qabtay ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa ay ku jiraan Jaakado ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku haya su’aalana weediinaya ruuxii waday mootada lagu qabtay waxyaabaha qarxa, waxaana socda baaritaano dheeraad ah ay ciidamada ku sameenayaan mootada iyo ninka ay qabteen.

Ciidamada Nabad sugida iyo booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka inta ay socdaan doorashooyinka waxa ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Degmooyinka dariska la ha Muqdisho sida Afgooye.

Readers Comments (0)